Inta la xaqiijiyay 9 qufood ayaa la toogtay kadib markii weerar subaxnimadii hore ee saakay dagaalyanada xarakada al shabaab ay ku qaadeen jaziirada Lamu ee dalka Kenya.
Ilo booliiska ka tirsan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in koox ka tirsan Xarakada Al shabaab ay ka dambeeyeen weerarkan oo ka la dhacay xaafadaha Jima iyo Pandaguo oo u dhaw xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan iyadoo goobahan ay yihiin kuwa inta badan weerarada ka dhaca lagu bartilmaameedsado xoogaga amaanka.
“9 qufood ayaa la dilay,qaarkood waa la toogtay” sidaas ayuu sheegay sarkaal katirsan ciidamada Kenya oo ka gaabsaday inuu warbaahint la hadlo isagoo sheegay in dhamaantood ay shicib ahaayeen.
Waxaana sidoo kale weerarkan xaqiijiyay sarkaal ku sugan xarunta dhexe ciidamada police-ka dalka Kenya waxaana uu ka gaabsaday in weerarka sagaal qufood ay ku dhinteen laakiin faahfaahin kale ma uusan ka bixin.
Todobaadkii aynu ka soo gudubnay guduhiis waxaa Xaraka Al shabab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidmada police-ka Kenya ay ku lahaayeen isla jaziirada Lamu ee dalka Kenya.
Al shabaab ayaa horay u sheegay in dagalkooda ay sii wadi doonan tan iyo markii ciidmaada Kenya ay ku biireen howlgalka midowga Africa ee ka soconaya gudaha soomaaliya kaa oo lagula dagaalamayo Xarakada Al-shabaab.
Waxaana weerarkan uu ku soo beegmayaa xili televishinka qaraka dowlada Kenya uu si rasmi ah u baahiyay dhimashada wasiirkii arimaha guda iyo amniga dowlada Kenya ee Joseph Nkaissery iyadoo M.weynaha dalkaasi uu sheegay in baroor diiq ay u sameeyn doonaan.

