Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Ceelashada Biyaha ee Duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in Maleeshiyaadka hubeysan ay rasaas ku fureen gawaari Meyd Siday oo maraysay deegaankaas.
Kooxda Hubeysan ayaa la sheegay in si bareer ah ay gawaarida rasaas ugu fureen islamarkaana uu qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira uu soo gaaray dadkii saarnaa gawaarida, sida Goob-joogayaal ay u sheegeen idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay waxaa Rasaasta ku dhintay 4-ruux oo kamid ahaa dadkii Sarnaa mid kamid Gawaarida Siday meydka halka ay jiraan sidoo kale dad ku dhaawacmay rasaasta oo loo soo qaaday isbitaalada Magaalada Muqdisho.

