Mareykanka oo Ku Dhaawaqay in La Kordhinayo Weerarada Xarakada Al-shabaab

0

War ka soo baxay aqalka cad ee dalka mareekanka ayaa lagu sheegay in dowlada mareykanka ay kor u qaadeeso dagaalka taliska howlgalka AFRICOM  ee qaarada Africa kaa oo lagula dagaalamayo dagaalyanahada Xarakada Al-shababa iyadoo la fulinayo amar madaxweuynaha mareykanka ka soobaxay oo ku aadan in diyaaradaha  militriga drones-ka ay qaadaan  weeraro isdaba joog ah  oo laga fulinayo deeganada Xarakada Al shabaab ay gacanta ku hayaan.

Waxaa sidoo kale warkan lagu sheegay in diyaaradaha drones-ka ay duqeymo ka geesteen doonaan gobalada koofureed ee soomaaliya halkaa oo mareykanka uu ku tilmaamay in ay tahay goobaha ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada xarakada al shabab.

Lixda bilood ee xafiiska talada mareykanka uu hayo  waxaa maamulka Trump uu soo bandhigay qorshahiisa cad ee ku aadan dhismaha siyaasada guud ee soomaaliya uu ka leeyahay iyo dagaalka uu ugu magacdaray waxa loogu yeero  argagixisada ee ka dhanka ah Xarakada Al shabaab.

Bishii April ee Sanadkaan 2016-ka aynu ka soo gudubnay waxaa hogaamiyaha aqalka cad ee mareykanka uu saxiixay in daraasiin ciidamo ameericaan ah laga howlgaliyo gudaha dalka soomaaliya gaar ahaan Gobolada Koonfureed.

Duqeymaha ay Fuliyaan Diyaaradaha Dowlada Mareykanka waxaa lala beegsadaa Saraakiisha Xarakada Al-shabaab, weerarkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay tuulada kuunyo Barow oo u dhow Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana lagu dilay Madaxii Al-shabaab ee deeganada maamulka Puntland.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here