Maamulka Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa beeniyay wararka qaar ay qoreen warbaahinta oo ku aadan in garoonka diyaaradaha Magaalada dhuuso Mareeb ay la wareegeen ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada Ethopia subaxnimadii Hore ee saakay.
Axmed Macalin C/laahi Gudoomiyaha Magaalada dhuuso Mareeb oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin Hadalada ay qoreen warbaahinta Muqdisho oo ku aadan in ciidamo ka Tirsan Ethopia ay saakay aroortii la wareegeen garoonka Magaalada dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud.
Gudoomiyaha Magaalada dhuuso Mareeb waxa uu sheegay in ciidamada ka Tirsanaa Ethopia ay Garoonka diyaaradaha Magaalada dhuuso Mareeb u Tageen in ay kasoo qaataan xaawada dabka Lagu shito oo mudooyinkii dambe ay garoonka ka qaadanayeen waa siduu Hadalka Gudoomiyaha dhuuso Mareeb.

