Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ku baaqday in la joojiyo Colaadda ka jirta  Magaalada Beledweyne

0

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa oo la Hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xukuumada soomaliya ay aad kaga xun Tahay dagaalka maalmihii dambe ka socday Galbeedka Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,

Wasiir C/raxmaan Maxamed xuseen odawaa ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalamay Magaalada Beledweyne in ay miiska wada-hadalka ay iskugu yimaadaan si xal buuxda loogu gaaro colaada iyo dagaalka maalmihii dambe ka socda Magaalada Beledweyne,

Waxa uu Hadalkiisa ku daray Wasiirka arimaha Gudaha dowlada soomaliya C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaaa in dagaalka uu keeno Cawaaqib xumo, dib u dhac iyo kala fogaansho kuyimaada dadka  walaalaha ah ee deggan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan,

Hadalka wasiirka arimaha Gudaha ayaa imaanaya xili maalmihii aynu soo dhaafnay Galbeedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ay ku dagaalameen meeleeshiyo beeleed wada daga Magaaladaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here