Jose Mourinho “ Wax Ciyaaryahan ah soo ma iibsan doono

0

Macalinka kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay in aysan kooxdiisa xidigo lasoo wareegi doonin bisha Junuary markii la gaaro xili kooxda ay waayo xun ay ku jiro xili ciyaareedkaan

The Blues ayaa qasaartay kulankeeda 9-aad ee Horyaalka dalka ingiriiska kadib markii ay xalay booqatay kooxda Leicester City oo ah kooxda xili ciyaareedkaan Hogaaminaysa Horyaalka dalka Ingiriiska.

Kooxda Leicester City ayaa goolasha ka heshay xidigaha Jamie Vardy iyo Riyad Mahrez  tasoo ka dhigan in kooxda Chelsea ay xili ciyareedkaan kooxda Leicester City ay ka hooseeso dhibco gaaraya 20-dhibcood

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here