Wararka Haatan naga soo gaaraya Magaalada Shalaanbood ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay meeleeshiyo beeleed wada daga Magaalada Shalaanbood.
Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah dadka ku Nool Magaalada Shalaanbood ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed shiino oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu jiro dagaalka ka dhacay Magaalada Shalaanbood ee Gobolka Shabeellaha hoose isagoona Hadalkiisa ku daray In Maamulka Gobolka uu ku Howlan yahay in la kala dhaxgalo ciidamada dagaalamayay,

