Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa sheegay in qarax baabuur uu ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan.
Cabdirisaaq Yuusuf Bahlaawi, oo ah agaasimihii xilka laga qaaday ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, oo qaraxa loogu xiray baabuurkiisa waxaa lagu eegtay isgoyska Taleex ee degmada Hodan.
Mas’uuliyiinta degmada Hodan ayaa warbaahinta u sheegay in dadkii saarnaa baabuurka qaraxa oo ahaa saddex ruux ay dhaawacyo soo gaareen, uuna ku jiro Cabdirisaaq Bahlaawi.
Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmada qaraxa ayaa lagu xirey Gaariga Bahlaawi waxaa la qarxiyay xili uu marayay isgoyska Taleex ee degmada Hodan.
Dhaawaca Bahlaawi, ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud oo garabka ka gaaray, islamarkaana uu hadda xaalad wanaagsan ku sugan yahay.

