Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu shir uga furmo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya , iyadoo shirkan looga hadlayo arrimaha siyaasada, amniga iyo qodobo kale.
Shirka Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul goboleedka ayaa noqonaya kii labaad oo ay yeeshaan Madasha Hoggaanka Qaranka, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo bishii February ee sanadkaan 2017-ka.
Madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in maanta illaa berri ay ku soo xaroodaan magaalada Muqdisho, si uu shirka u furmo todobaadkan gudihiis, ka hor inta uusan bilaaban kalfadhiyada Baarlamaanka labada Aqal.
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa goor dhow lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho, kaddib markii uu ka soo ambabaxay Garowe, halka madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa horay ugu sugnaa Muqdisho.
Shirkan ayaa ka furmi doona Madaxtooyada, waxaa la filayaa furitaanka shirka kaddib inay shirka ka soo qeyb galaan wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka.

