Kheyre oo Seychelles iyo Mauritius oo Kala Hadlay Maxaabista Soomaliyeed

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya  Xasan Cali Kheyre oo magaalada Addis Ababa kaga qeybgalay shir madaxeedka ururka Midowga Afrika ayaa kulamo la qaatamadaxweyne kuxigeenka Seychelles Vincent Meriton iyo raisul wasaaraha Mauritius Pravin Jugnauth, isagoona kala hadlay xaalada tiro maxaabiis ah oo ku xiran dalalkaasi.

Kulanka Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya  Xasan Cali Kheyre iyo madaxda  Seychelles iyo Mauritius ayaa diirada lagu saaray arrimaha Maxaabista Soomaliyeed iyo sidii loogu soo wareejin lahaa gacanta Dowladda Soomaliya.

Seychelles iyo Mauritius oo dhaca badweynta Indian Ocean ee qaarada Afrika ayaa waxaa ku xiran maxaabiisSoomaaliyeed oo intooda badan ay ku jiraan xabsiyada Seychelles, kuwaasi oo loo haysto dambiyo la xiriira burcad badeednimo.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre  ayaa sheegay in ay aqbaleen madaxda wadamada uu la kulmay codsiga ay u gudbiyeen isla markaana wadankooda kula laaban doona iyadoo lagu balamay in wafdi dhinacyadaasi ah is arkaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here