Al-shabaab oo Xukun Ku Fuliyay Ajaaniib kasoo jeeday dalka India

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay xukun tooagasho oo Al-shabaab ay ku fuliyeen Ajaaniib kasoo jeeday dalka India, kuwaa oo kamid ahaa Dagaalyahanadooda.

Xukunka toogasho ayaa ka dhacay  Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxa ayna ku eedeeyen inay basaas u ahaayen dowladaha reer Galbeedka.

Ajaanibta ay Shabaab Xukunka ku Fulisay ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa  dhanka xiriirka caalamiga, waxaana ugu danbeyntii lagu eedeeyay inay si dhow ula shaqeeyan Sirdoonka reer Galbeedka.

Warar soo baxaya  ayaa sheegaya in labadaani Ajaaniib dusha laga saaray shaqooyin aysan ku lug laheyb, balse uu ujeedka ahaa mid Salka ku hayay Khilaaf kala dhexeeyay Madaxda Shabaab.

Al-shabaab ayaa horey u dishay rag ajaanib ah oo lagu eedeyay In ay la shaqeynayeen Dowladaha reer Galbeedka islamarkaana ka Tirsanaa Al-shabaab.

Dhanka kale, dilkaan Shabaabku ay u geysteen Labada Nin ee u dhashay dalka India ayaa ka duwanaa dilalkii ay horay u fulin jireen Shabaab, waxaana uu ahaa mid si qarsoodiya loo fuliyay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here