Dhalinyaro Laga Shakiyay oo Laga Reebay Diyaarad Usoo Socotay Muqdisho

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Nirobi ee Caasimadda Kenya ayaa ku waramaya in Ciidamada amaanka Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta diyaarad usoo socotay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya  ay kala hareen 5 dhalinyaro Soomaali ah oo qurbaha ka yimid.

Diyaaradan oo ka soo kacaysay Magaalada Nairobi ayay ciidanka amaanku dhalinyarada kula hareen Garoonka diyaaradaha halkaas oo la sheegay in su’aalo lagu waydiinayay.

Dhalinyaradan laga shakiyay ayaa qaarkood ka yimaadeen wadamada yurub, waxayna dalxiis ahaan usoo jeedeen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon karo waxaa Diyaarada la socday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaliya Me. Shariif Xasan Sh Aadan iyo Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qayb Diid) oo ka Tirsan Xubnaha aqalka Sare.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here