Galmudug oo Beenisay Warar ay Baahiyeen Warbaahinta

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida oo ku aadan in uu Magaaladaas kula shiray saraakiil ka tirsan Imaaraadka iyo Qatar.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwa been abuur ah , islamarkaana Nairobi isku soo arkeen saraakiil ka tirsan hay’addaha Qaramada Midoobay iyo deeqbixiyayaasha caalamka.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu laabanayo magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug, si uu u sii wado howlaha shaqo ee u yaalla.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here