Taabid:-“Beerta Nabadda Waa in Lacag La’aan Lagu Galaa”,

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo xalay ka qeyb galay dabaaldaga Munaasabadda 1-luuliyo oo ka dhacday xarunta beerta Nabadda ayaa ugu baaqay Ganacsada xaruntaas leh in aysan shacabka ka qaadin wax lacag ah xiliyadda ay usoo damaashaad tagaan.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in xarunta beerta Nabada ee Magaalada Muqdisho ay tahay goob Nabadeed islamarkaana aan xiligaan loo baahneen in shacabka lagu cadaadiyo in ay lacag bixiyaan si ay u galaan xarunta.

“Beerta Nabad waa goob Nabadeed, ma ahan in Shacabka Soomaliyeed loogu qaado wax dhan 1-dollar ama 2-dollaar si ay gudaha u galaan, waa in shacabka loo ogolaadaa si sharuud la’aan ah in ay gudaha ku galaan, Sidoo kale Ganacsata leh xarunta beerta Nabadda ee Magaalada Muqdisho,iyagana haka laabtaan go’aankaas”, ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi.

Beerta Nabadda ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya oo ah goob ay u damaashaad tagaan Shacabka Magaalada Muqdisho ku nool ayaa xiliyadda gudaha loo galayo waxaa la iska qaadaa lacag dhan 1-dollar, xiliyadda ciid ayaa sarau kac aad u weyn laga dareemaa qiimaha lagu galo xaruntaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here