Akhriso:-Waa Wax Taariikhda Soomaaliya Ku Cusub Xukuumad Iyadu Mooshin Iska Keenaysa!!!

0

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah mudanayaasha BFS, ayaa ka hadlay Mooshinka ayXildhibaanada kawadaan Xukuumada Ra’isul wasaare Kheyre.
Xildhibaan Mahad Maxamed, ayaa qoraal ku saabsan Mooshinka Xukuumada kusoo daabacay beejka uu ku leeyahay Barta Facebook
Halkaan Hoose ka akhriso qoraalka xildhibaan mahad salaad

WAA WAX TAARIIKHDA SOOMAALIYA KU CUSUB XUKUUMAD IYADU MOOSHIN ISKA KEENAYSA!!!

Sanadihii lasoo dhaafay waxaa dhagaha Soomaalida ku badnaa Xildhibaano Mooshin ka keenaya Xukuumad markaasi jirta sabab kastaba haka
danbeysee!

Maalmahaan waxaa Magaalada Mogadishu ka shidan MOOSHIN XUKUUMADU IYADU ISKA KEENAYSO, sababtoo ah markii aan waraystay
Xildhibaanada Golaha Shacabka wali la’iima sheegin Xildhibaano wada Mooshin Xukuumada Kheyre ka dhan ah!. Hadaba waxaa iga su’aal ah:

1. Ma Xildhibaano aan ahayn 276 Xildhibaan ee Golaha Shacabku ka koobanyahay ayaa jira oo Xukuumada Mooshin ka keeni kara?
2. Ma Xukuumada Kheyre ayaa isku og’ danbi ay ka gashay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed oo inta danbigaasi kusoo baxo ayay ka baqeysaa inla
rido?
3. Ma BARNAAMIJKII iyo BALANQAADYADII Ra’iisul Wasaaruhu ka horjeediyay Golaha Shacabka ayuu ku fashilmay, marka fashilkii Xukuumadiisa
ayuu rabaa inuu Golaha Shacabka dusha uga tuuro?
4. Ma dagaal Xukuumadu u xayd­xaydaneyso oo ay rabto inay Golaha Shacabka ku qaado ayaa jira?
Su’aalahaas oo dhan waxaan rajeynaynaa in Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisu ka jaahil bixiyaan Golaha Shacbka marka uu furmo
Kalfadhigiisa 8da bishaan inshaa’allaah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here