Wararka ka imaanaya degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in kooxo Hubeysan ay galabta Hoygiisa ay ku dileen Col C/rashiid Bare Gurxan oo ka Tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed.
Ragga hubeysan ayaa la sheegay in Col-ka ay hoygiisa ku weerareen islamarkaana ay dhowr xabadood ku dhufteen taasina ay keentay dhimashadiisa.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba u sheegay in rasaas xoogan laga maqlay hoyga Col islamarkaana ay dableydii dilka geystay ay goobta isag baxsatay.
Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda FederaalkaK Soomaliya waxayna baadi-goobayaan ragii ka dambeeyay dilka.

