Al-shabaab oo War Kasoo Saaray Qaraxa Lagu Weeraray Saldhigga Waaberi.

0

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax xooggan oo maanta ka dhacay saldhig Degmada Waabari ee gobolka Banaadir oo kaariga ku haaya wadada Makka Al-Mukarramah ee Magaalada Muqdisho.

Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka oo uu fuliyay dagaalyahan naftiis hure ah lala eegtay saldhigga Booliska degmada Waaberi sida ay baahisay idaacadda islaamiga Andalus oo ku hadashay afka Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale Waxay sheegeen in dagaalyahanada Xarakada in weerarkaas lagu dilay  10 Askari iyo halka tiro kalana lagu dhaawacay, waa weerarkii 2-aad oo sedax maalmood gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here