Sida uu Xaqiijiyay Maamulka Jubba-land waxaa qaraxii maanta ka dhacay Saldhiga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir waxaa ku dhintay Ala Ha u Naxariistee Wasiirkii dhalinyarada iyo Sportiska Maamulka Jubbaland Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw-libaax).
Wasiirkii dhalinyarada iyo Sportiska Jubbaland Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw-libaax) ayaa la xaqiijiyay In uu ku sugnaa hotel kasoo horjeeda Saldhiga degmada Waaberi sidaa uu ku saameeyay qaraxa gaariga loo adeegsaday oo uu fuliyay dagaalyahan ka tirsan Xarakada Al-shabaab.
Wasiirka ayaa markii hore waxaa soo gaaray dhaawac culus waxaana loo qaaday isbitaal kamid ah isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho, halkaas ayuu ku dhintay markii dambe.
Inta la xaqiijiyay 10-qof ayaa ku dhimatay, tiro kalana way ku dhaawacmeen kadib markii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu qarxiyay Saldhiga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxa.

