Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Goordhaweyd kulan deg deg ah isugu yeeray golaha amniga qaranka, kadib qarax goor dhow ka dhacay Saldhigga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Kulanka Raisulwasaaraha isugu yeeray Golaha Amniga Qaranka ayaa waxaa loogu hadli doonaa arrinta amniga ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya, xili uu faraha kasii baxayo amniga magaalada, kadib qaraxyo sii xoogeystay.
Dhanka kale dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa Todobaadkaan gudhiisa Magaalada Muqdisho ka geystay 2-qarax oo qasaaro ay kasoo gaareen shacabka Soomaliyeed.

