Booliska Mareykanka oo Baadi-goobaya Nin Madaxa Bastoolad Ka Saaray Muwaadin Soomaliyeed

0

Muuqaal toos oo ka soconayay baraha bulshada kaa oo muwaadin soomaaliyeed oo ku nool dalka mareykanka Magaciisuna lagu soo gaabiyay Abdurahman Haji oo  52 ah ,ayaa Cameroyin-ka  qarsoon ee hareeraha goobta soomaalida ay ku sugnaayeen waxaa ka soo muuqday muwaadin kale oo soomaali ah kaa oo Bistoolad madaxa kaga haya nin kale oo soomaliyeed oo caan ka ah baraha bulshada islamarkaana ay ku xeran yihiin boqolaal soomaaliyeed.

Muuqaalka ayaa u muuqday muid kaftan ah balse Abdirahman haji ayaa tilmaamay in nafsadiisa ay Qatar kujirto, Dhibanaha madaxa lagaga qabtay bistoolada intii uu kuguda jiray muuqaal toos ah oo facebook ka soconayay ayaa ka hadlayay arimo ay kamid yihiin xaaladaha dalka soomaaliya ay ku sugantahay iyo nabad ku soo dabaalideeda dalka somaliya.

Booliiska magaalada Memphis ee dalka mareekanka oo muuqaalkaan tusay dad soomaaliyeed oo halkaasi ku nool ayaa sheegay in wax aan micno laheyn uu kahadlo inta badan waqtiyada oo baahinayo muuqaal toos ah oo ka soconaya baraha bulshada.

Dhibanaha ayaa sheegay in ra’yi ahaan ay kala duwanaayeen shaqsiyaadka bistoolada ku qabtay  marka loo eego iyagoo ka soo jeeday qabiilo kala duwan, sida uu sheegay.

Booliiska ayaa sheegay in ay  su’aalo weydiin doonaan imaamka masjid ka ag dhawaa goobta muuqaalkan laga tabinayay iyagoo sheegay in isla markiiba ay horay u booqdeen waloow ayan jirin cid halkaasi ay ku arkeen, waxaana police-ka ay sheegeen in ay la kulmeen shaqsigii bistoolada lagu qabtay balse aysan helin wax jawaab ah oo ilaa imika baaritaandu booliisku ay yihiin kuwo socda.

Dhibanaha ma uusann gaarin wax dhaawac ah mana jirto cid loo soo xiray dhacdadaasi waxaase booliisku ay sheegeen in 25 sano oo xabsi ah uu la kulmi doono hadii lagu helo cadeemo cad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here