Yariisow:-“Kuwii Carruurta Iskuulada u Diiday Si Caadifad ah Kuma Keeni Karaan Maqaamka Muqdisho”

0

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaliya Eng C/ramaan Cumar Osmaan (yariisow) oo booqday magaalada Madrid oo ah Caasimada Spain, wuxuuna sheegay in Madrid ay leedahay Dowlad Goboleed la yiraahdo Madrid oo leh Madaxweyne iyo Gole Baarlamaan oo u gaar ah.

“Waxaan booqday magaalada Madrid oo ah Caasimada Spain, waana Dowlad Goboleed la yiraahdo Madrid oo leh Madaxweyne iyo Gole Baarlamaan oo u gaar ah. Nidaam iyo Dowladnimo kaliya ayey ku imaan kartaa maqaamka Muqdisho oo fowdo iyo dadkii dumiyey Xamar oo carruurta Iskuulada u diiday si caadifad ah kuma keeni karaan nidaam oo Maamulka G/Benaadir, Baarlamaanka iyo Dowlada hay’adaheeda baa raadin kara xaqa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan”, ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaliya Eng C/ramana Cumar Osmaan (yariisow) ayaa kusoo beegmaya xili shacabka Mudisho ay dowladda cusub iyo tii Xasan Shiikh ay ku eedeyeen in la duudsiiyay shacabka Gobolka xaqii ay lahaayeen, islamarkaana la ankiray Maqaanka Caasimadda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here