Ilo Lagu Kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in tiro Xildhibaano ah oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamanka Federaalka Soomaliya iyo aqalka Sare ay mooshin ka gudbiyen Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo la magacabay bishii February ee sanadkaan 2017-ka.
137-Xildhibaan oo ka Tirsan Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaliya ayaa saxiixay mooshinka laga keenay Raisulwasaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre.
Xildhibaanada Mooshinka saxiixay ayaa ka kala tirsan xibsiyadda kala ah Dajir,iyo Dam-jadiid, waxanaa hogaaminaya Xildhibaan Ahmed Macalin Fiqi oo ah nin inta badan soo abaabula Mooshinada Madaxda markaas xilka haysa.
Xildhibaanada ayaa Raisuwasaare Kheyre waxa ay ku dhaliilsan yihiin qaabka ay u shaqeyso xukuumaddiisa,sidoo kale Xildhibaanada ka tirsan baarlamanka Soomaliya waxa ay ka xun yihiin fargalinta la sheegay in uu uu Raisulwasaaraha ku haayo shaqada wasaaradaha qaar.
Sida aan ku helyno wararka Xildhibaanada Mooshinka saxiixay ayaa isku balansaday marka laga soo laabto Fasaxa oo ku aadan Iida Kadib, oo furmi doono Kalfadhiga Labaad ee Baarlamanka Todobanaad.

