Al-shabaab oo Xukun Gacan Goyn Ah Fuliyay

0

Maxkamadda Xarakada  Al-shabaab ee Degmada  Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose  waxa ay ku fulisay xukun gacan goyn Cali Aadan oo fal tuugnimo ah ku jabsaday dhowr dukaan qaatayna alaab iyo lacag cadadkeedu uu gaarayo “Hal malyan Sagaal Boqol Lixdan iyo Labo Kun Shiling Somali”.

Fagaaraha xukunka uu ka dhacayay waxaa goob joog ka ahaa boqolaal kamid ah shacabka Degmada Tooratoorow si ay u daawadaan qaabka ay maxkamada u fulineyso xadkaasi gacan goynta ah.

Qaadiga Maxkamadda Xarakada  Al-shabaab ee Degmada  Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose   ayaa sheegay in Cali Aadan lagu helay eedeha lagu soo eedeeyay, islamarkaana uu qirtay sidaasna gacanta looogu gooyay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here