Imaam Khaliif:-“Si Shuruud La’aan Halagu Joojiyo Dagaalka Baanyaaleey”,+Dhageyso

0

Imaam Khaliif Rooble oo ka mid ah Duubabka dhaqanka Gobalada Dhexe oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Deegaanka Baanyaaleey Gobalka Hiiraan inay si Sharuud la’aan ah u joojiyaan Dagaalka ayna u Hogaan Samaan Dadaalada Nabada.

Imaam ayaa Sheegay in Dhankooda ay wadaan Dadaalo lagu joojinayo Dagaalka islamarkaan ay Diyaar u yihiin sidii wada hadal loogu badali lahaa Xiisada Dagaal ee maalmahaan ka jirtay inta udhexaysa degamooyinka Maxaas iyo Matabaan Gobalka Hiiraan.

Maamulada ka jira Gobalada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa Baaqyo is daba joog ah u diray Maleeshiyaad ka ku dagaalamay Deegaanka Baan-yaaleey taasi oo suurto galisay in Saacadihii ugu danbeeyey ay Xaladu dagto.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here