Nin Dilay Mid Kamid ahaa Ergadii Koonfur Galbeed Soomaliya  oo La Qabtay

0

Ciidamada Amaanka Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa xalay gacanta ku dhigay nin ka Tirsan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo kamid ahaa 3-nin oo toogasho ku dilay marxuum Sheekh Maxamed Deyr, oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ku soo dooratay magaalada Baydhabo.

Ragaan Hubeysan ayaa Masaajid ku yaala xaafadda Towfiiq waxa ay ku dhex dileen marxuum Sheekh Maxamed Deyr, oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ku soo dooratay magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaliya, waxayna durbadii ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa xaqiijiyay in warbixino ay ka haleen shacabka Magalada Baydhabo ay ugu suurta gashay in ay gacanta kusoo dhigaan ninkaan oo kamid ahaa 3-nin uu dil u geystay Sheekh Maxamed Deyr, oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ku soo dooratay magaalada Baydhabo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here