Ciidamada Kenya iyo Al-shabaab oo ku Dagaalamay Xuduudka u Dhaxeeya Soomaliya iyo Kenya

0

Saraakiil ka Tirsan Ciidamada dowlada Kenya oo  warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in rag ka Tirsan al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gadiid ay wateen ciidamada Kenya oo ka Yimaaday Magaalada Nairobi isagoona kusii jeeday Magaalada Mandera ee Gobolka Woqooyi bari Kenya.

Inta la xaqiijiyay 1-askari ayaa ku dhintay halka Mid kale uu ku dhaawacmay weerarka gaadmada ah ee lagu qaaday ciidamada dowlada Kenya ee kusii jeeday Magaalada Mandera ee Gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya.

Intaas kadib waxaa xigay dagaal xoogan oo dhaxmaray ciidamada dowlada Kenya iyo kooxdii Hubeysneed ee weerarka gaadmada ah Fulisay wuxuuna dagaalka ku fiday Magaalooyinka ceelwaaq iyo iyo laafey ee Gobolka Gedo sida uu warbaahinta u sheegay Madaxa Magaalada Mandheere  ee Gobolka woqooyi bari Kenya Fredrick Shisia

Mr Fredrick Shisia waxa uu Hadalkiisa ku daray in in ciidamada al-shabaab ay la sahlan tahay in weerar ay kusoo qaadan Gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya oo kamid ah meelaha ay al-shabaab weerarka ku qaadaan,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here