Shir ku saabsan Maxkamada Wareegta ee Soomaaliya ayaa Maanta ka Furmay Magaalada Muqdisho

0

Munaasabadaani xariga looga jarayay maxkamada wareegta ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay ka dhacday Magaalada muqdisho  ee caasimada dalka soomaliya

Xaflada waxa ka qeyb galay Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Axmed Cali Daahir  Gudoomiyaha sare ee maxkamada dalka, waziirka cadaalada, mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adda hormarinta mashaariicda QM u qaabilsan Soomaaliya ee loosoo gaabiyo UNDP, Taliska Ciidamada Asluubta iyo waziiro ka tirsan maamul goboleedyada dalka ka jira sida Puntland, Galmudug Koonfur Galbeed soomaliya iyo Juba-land.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf oo ka Hadlay  kulanka ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay dhismaha maxkamada wareegta ay tahay in shacabka ku nool gobolada dalka gaar ahaan deegaannada iyo degmooyinka dhawaan laga saaray  Al-Shabaab  aysan ka jriin Maxkamad la gaarsiiyo adeegga garooska dalka .

Dhanka kale  Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir ayaa isna sheegay in ay muhiim tahay hirgalinta maxkamada wareegta madaama qaar kamid ah gobolada dalka soomaliya aysan ka jirin Maxkamad,

Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jir  ayaa dhankiisa Tilmaamay in wasaarada cadaalada xukuumada soomaliya ay soo dhaweynayso in Gobolada dalka soomaliya la Furo Maxkamada wareegta,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here