Xarakada al-shabaab oo la Wareegtay Deegaanka Giriley ee Gobolka Gedo

0

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Deegaanka Giriley ee Gobolka Gedo xarakada al-shabaab ayaa la wareegtay deegankaas Kadib markii dagaal xoogan uu ku dhaxmaray deeganka  iyaga iyo ciidamada dowlada soomaliya,

Rag ka Tirsan Xarakada al-shabaab ayaa saakay aroortii weerar ku qaaday deegaanka oo mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa midowga Africa ee Amisom,

Dagaal Mudo  socday oo la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duban ayaa Xarakada  al-shabaab waxaa u suurta gashay in ay la wareegaan Gacan ku heynta deeganka  Giriley ee Gobolka Gedo.

Dhanka kale saraakiil ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka Hadlaan la wareegitaanka xarakada al-shabaab deeganka  Giriley ee Gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here