War Deg Deg: kooxo Hubeysan oo Degmada Wadajir ku dilay Sarkaal ka Tirsanaa Hay’ada CID-da

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Gudaha degmadaas goor dhaweyd Lagu dilay sarkaal ka Tirsanaa Hay’ada CID-da ee dowlada Soomaliya,

Dad goob joogayaal ah oo ku sugan degmada wadajir ayaa idaacada simba  u sheegay in kooxo ku hubeysan Bastoolada ay rasaas ku fureen sarkaalkaan ka Tirsanaa Hay’ada CID-da ee dowlada soomaliya taasi oo keentay in uu isla goobta ku geeriyoodo,

Dhanka kale Sarkaalka la dilay ayaa Magaciisa Lagu sheegay Col.Cabdi Nuur. Kooxaha dilka u geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen durbadiiba.

Wixii kusoo kordha simbanews.com simba

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here