Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Deegaanka Giriley ee Gobolka Gedo xarakada al-shabaab ayaa la wareegtay deegankaas Kadib markii dagaal xoogan uu ku dhaxmaray deeganka iyaga iyo ciidamada dowlada soomaliya,
Rag ka Tirsan Xarakada al-shabaab ayaa saakay aroortii weerar ku qaaday deegaanka oo mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa midowga Africa ee Amisom,
Dagaal Mudo socday oo la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duban ayaa Xarakada al-shabaab waxaa u suurta gashay in ay la wareegaan Gacan ku heynta deeganka Giriley ee Gobolka Gedo.
Dhanka kale saraakiil ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka Hadlaan la wareegitaanka xarakada al-shabaab deeganka Giriley ee Gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaliya

