Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Gudaha degmadaas goor dhaweyd Lagu dilay sarkaal ka Tirsanaa Hay’ada CID-da ee dowlada Soomaliya,
Dad goob joogayaal ah oo ku sugan degmada wadajir ayaa idaacada simba u sheegay in kooxo ku hubeysan Bastoolada ay rasaas ku fureen sarkaalkaan ka Tirsanaa Hay’ada CID-da ee dowlada soomaliya taasi oo keentay in uu isla goobta ku geeriyoodo,
Dhanka kale Sarkaalka la dilay ayaa Magaciisa Lagu sheegay Col.Cabdi Nuur. Kooxaha dilka u geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen durbadiiba.
Wixii kusoo kordha simbanews.com simba

