Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Magaaladaas ay ka socdaan Howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka kadib markii shalay Halkaas lagu dilay 3-askari oo ka Tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya
Howlgalada ayaa intooda badan ka socda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan madaama Magaaladaas Lagu dilay 3-askari oo ka Tirsanaa ciidamada xoogga dalka soomaliyeed oo ku sugan Gudaha Magaalada Beledweyne.
Saraakiil ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Howlgalka loogu Talagalay xaqiijinta amaanka iyo in gacanta Lagu soo dhigo Ragii ka dambeeyay dilka 3-askari ee ka Tirsanaa ciidamada xogga dalka soomaliyeed oo lagu dilay Gudaha Beledweyne.


Simba News liked this on Facebook.