Macalinka xulka dalka England Roy Hodgson ayaa sheegay in ay aad u adkaan doonto in goolal badan laga dhaliyo xulka dalka Ingiriiska markey ciyaarayaan ciyaaraha Uero 2016-ka oo sanadkaan Lagu qaban doono dalka France,
Xulka dalka Ingiriiska ayaa bandhig wanaagsan ka sameeyay isreebreebka ciyaaraha Uero 2016-ka kadib markii waayihii dambe uu hoos u dhac uu ku Yimid ciyaarihiisa,
Ingiriiska ayaa laga dhaliyay kaliyah 3-Goal 10-kulan ay ciyaareen ciyaaraha isreebreebka Uero 2016-ka iyagoona Hamiga ku Haya in xili ciyareedkaan ay bandhig wanaagsan ka sameeyaan ciyaarayaha Uero 2016-ka oo sanadkaan Lagu qaban doono dalka France,

