Maamulka Wadajir oo Ka Warbixiyay Qarax Ka Dhacay Degmadaas+Dhageyso

0

Maamulka Degmada Wadajir ee Dowladda Soomaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax gaari oo barqanimadii maanta ka dhacay Gudaha Xaafada Taako.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax  oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in gaariga ay saacadihii  ugu dambeeyay ay ku raad joogeen Ciidamada amaanka degmadaas islamarkaana ay wateen 3-nin.

“Degmada Wadajir waxaa saakay lagu qabtay gaari ay saarnayeen waxyaabaha qarxa, Ciidamada dowladda ayaa toogtay mid kamid ah, midna way dhaawaceen oo gacanta ayaa lagu hayaa, midna wuu fakaday oo waa lagu raad joogaa, qasaaro ayaa ka dhashay qaraxa oo soo gaaray Ciidamo Gurmad ahaa oo doonayay in ay gaariga ka furaan miinada ayagoo gacanta kula jira ayuu gaariga qarxay”, ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle Afrax.

Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax   ayaa tilmaamay in Laamaha amniga ay ku rad joogaan ninka baxsadka ah islamarkaana ay dib kasoo sheegi doonaan waxa kusoo kordha warkaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here