Wasiiro Ka Qeyb Mashruuc ay Hey’adda Gargaarka Shacab Afurin Ku Sameyneyso+Sawirro
Wasiirka Warfaafinta iyo hanuuninta dadweynahay ee Xukuumada Federaalka Soomaliya Wasiir kuxigeenka Wasaarada gargaarka ee Dowlada Soomaliya iyo Gudoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada ee Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay mashruuc ay Hey’adda Gargaarka Shacab afurin ugu sameyneyso qoysaska danta yar ee kunool Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Eng C/raxmaan Osmaan yariisow oo goobta ka hadlay ayaa ku aamanay Hay’adda Samafalka Shacabka sida ay ugu istaagay in ay afurin u sameyso dadka barakacayaasha ee ku nool kaamamka ku yaala Gobolka banaadir aan awoodin in ay iska bixiyaan afurka.










