Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qarax gaari oo goordhaweyd ka dhacay Degmada wadajir ee Gobolka Banaadir,waxayna sheegeen in lagu dilay Saraakiil ka Tirsan Dowladda, iyo kuwa Cadaan ah.
Shabaab waxa ay sheegeen in gaariga uu ahaa mid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay islamarkaana lagu qarxiyay Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaliya, iyo kuwa Cadaan ah islamarkaaa uu jiro qasaaro soo gaaray.
Warka kasoo baxay shabaab ayaa sidaan u qornaa:-
Xarakada Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sarkaal katirsan Xarakada ayaa warbaahinta Al-shabaab u xaqiijiyay in gaari si xirfadaysan loogu xiray walxaha qarxa ay dhigeen degmada Wadajir kadibna s ciidamada Dowladda Federaalka lagu wargeliyay in gaari miinaysan uu goobta yaal.
Daqiiqado kadib waxaa gaariga baaritaano ku sameeyay saraakiil katirsan Miina Baarista DF-ka, markii ay dhan walba ka baareen gaariga oo ay ka waayeen walxaha qarxa ayay u yeereen saraakiil Caddaan ah oo kasoo amba baxay xerada Xalane ee Magaalada muqdisho,qasaaro ayaa kasoo gaaray qaraxa.

