Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu Hogaaminaayo ayaa goordhaweyd u ambabaxay Magaalada Doxa ee Caasimada Dalka Qatar.
Wafdigaan waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kusoo sii sagootiyay Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Saraakiil Ciidan.
Raisulwasaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu casuumay Madasha Doxa Forum oo ay ka qeyb galayaan hey’ado caalami ah, siyaasiyiin iyo hey’adaha deeq bixiyeyaasha.
Madasha Doxa Forum ayaa socon doonta 14-15 May ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha horumarinta, degenaanshaha iyo qalalaasaha qaxootiga, waxana furi doono Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed Bin Abdulrahman Al-Thani ayaa shirka si rasmi u furi doona, sida ku cad jadwalka shirka.
Safarka Kheyre uu maanta ugu amba-baxay dalka Qatar ayaa noqonaya kii ugu horeeyay tan iyo markii uu magacaabay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed( Farmaajo) dhamaadkii bishii Februay aynu soo dhaafnay.

