Dowladda Sacuudiga oo 10 Million oo Dollar ugu Deeqday Soomaaliya.

0

Boqortooyada Sacuudi carabiya ayaa sheegtay in soomaaliya ay ugu deeqday 10 $Million intii lagu guda jiray kulankii saddexaad ee arimaha soomaaliya looga hadlayay kaa oo lagu qabtay magaalada London ee dalka Britian.

Amiir Mohammed bin Nawaf oo ah safiirka sacuudiga u fadhiya boqortooyada isutaga imaaradka carabta kaa oo hogaaminayay wafdiga shirka London ugu qeyb galaya boqortooyada ayaa sheegay in dowlada soomaaliya ay ku talaabsatay xasiloonidda siyaasadeed ee dalka kuwaa oo kor u qaadaya horumarka iyo rajooyinka qaranka soomaaliyeed.

Waxa uu intaa ku daray in “Boqortooyada sacuudiga ay soo dhaweyneeso horumarka dhanka wanaaga loo qaaday iyo muhiimada ay leedahay hergelinta barnaamijii Road-Map-ka.

Mohamed Bin Nawaaf ayaa yiri “inkastoo soomaaliya ay leedahay qeyraad dabiici ah waxaa wali heysta caqabado dhanka amaanka ah,dhaqaalaha iyo dhibaatooyinka arimaha bini’aadanimada waana waxa hoos u dhigaya soomaaliya, caqabadaha kale ee soomaaliya heysta waxaa kamid ah in ay isugu darsameen abaaro iyo dagaalka Xarakada al shabaab,qaxootiga Soomaaliyeed,arrimaha burcad badeeda iyadoo wali aan la dhameystirin dhisidda kabayaasha dhaqaalaha iyo hay’adaha dowlada” Waxaa ugu dambeyntii Prince Mohammed uu xusay midnimada soomaaliya in barwaaqo lagu gaari karo si caqabadaha taagan loogu gudbo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here