Alaha Ha unaxariistee waxaa goordhaweyd isbitaal ku yaala Magalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday Wariye M.m. Moallim oo kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaliya, sidoo kalana ahaa sarkaal ka tirsanaa Bandhiga Dhexe ee Dowladda Soomaliya.
Wariye M.m. Moallim oo kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta ayaa Muddo kasoo shaqeynayay wasaaradda Wafaafinta Soomaliya,wuxuuna mudooyinkiii ugu dambeeyay uu jiifay isbitaalka ku yaala Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kenya uu ku xanuunsanaa.
Wariye M.m. Moallim ayaa sidoo kale soo noqday agaasimihii Radio Muqdisho
Geeridiisa waxaa xaqiijiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaliya.

