Afhayeen u hadlay madaxweynaha Dowlada Zimbabwe Roperto Mugaabi ayaa sheegay in uusan ku hurdoon shirarka uu ka qeyb galo laakin Xikmad jirta aawadeed uu indhaha isku qabsado si ay u nastaan indhihiisa.
Wargeeyska lagu magacaabo The Herald ee kasoo baxa dalka Zaimbabwe ayaa kasoo xigtay George Shamba oo sheegay in madaxweyne Mugabi uusan awoodin iftiinka ku dhacaya indhihiisa ,sidaasina uu isugu qabsado, balse dad a u maleeyeen in uu hurdayo markuu shirarka ka qeyb galayo.
Madaxweyne Mogabi oo da’da 93 sanno jiro ayaa dhowr jeer munaasabadood lagu arkay isaga oo la’moodayo in uu hurdayo taas oo shaki galisay gudashada waajibaadak madaxweyne ee dalkiisa
Sidaasi oo ay tahay doorashada sanadka soo socdaa waa Musharax .

