Ra’isul wasaaraha dalka Masar Sharif Ismail oo madaxweynaha soomaaliya kula kulmay shirka magaalada London ee dalka Britian ayaa sheegay in Mohamed Abdullahi Farmajo uu aqbalay codsi ugu yimid madaxweynaha dalka Masar Abdifitah Al-Sisi si dalka masar uu u booqdo iyadoo laga wada hadli doono xiriirka labada dal ee soomaaliya iyo masar ka dhaxeeya.
Madaxweynaha soomaaliya ayaa boqaadiyay taageerada iyo caawinaada arimaha bini’aadanimada ay ka gacan siiso dalka soomaaliya.
Sharif Ismail oo ah ra’isul wasaaraha dalka masar kaa oo ka qeyb galay kulanka magaalada London looga hadlayay arimaha soomaaliya ayaa waxa uu halkaasi ka sheegay in dowlada masar ay kataageeri doonto arimaha bini’aadanimada iyo horumarinta deegaan nadiif ah waxaana uu xusay in dadka soomaaliyeed ay gacan ku siin doonto masar sidii barwaaqo ay ku gaari lahaayeen.
Waxaa sidoo kale ra’isul wasaaaraha dalka masar uu sheegay in si buuxda ay u taageeri doonaan dalka soomaaliya iyo ladagaalanka waxa loogu yeero Xarakada Al-shabaab.
Ra’isul wasaaraha Ismael Sharif ayaa tilmaamay tiro fursado ah oo ku aadan dhanka ganacsiga iyo kawada shaqeynta arimaha dhaaqaalaha oo labada dal ay kor u qaadayaan sida: Beeraha,Waraabka, Macdanta,Saliida.gaaska, wax soo saarka xoolaha, kaluumeysiga, dhoofinta hilibka iyo waxbarashada.
Ismail ayaa ugu dambeyntii waxa uu sheegay in wafdi ganacsato ah oo ka socota dalka masar in ay soo gaari doonaan magaalada Mogadishu si ay u raadiyaan abuurista fursado shaqo.

