Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Col. Cismaan Xasan Cali Cowke Afdalow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay, waxaa uu sheegay in shaqo joojintaasi ay tahay amar kasoo baxay Taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland General Ereg, isagana uu u hogaansamay.
Inkastoo oo uu sheegay inaysan jirin sabab cad oo u u garanayo in shaqada looga joojiyey, hadana waxaa uu Afdalow beeniyay warar sheegayayin uu isagu is casilay.
Warbaahinta deeganada Maamulka Puntland isagoo la hadlay ayuu sheegay Afdalow inuu shaqadii uu hayey kusii wareejiyay taliye ku xigeenkiisa sida uu amarku farayey.

