Mareykanka oo Kordhin Doona Dagaalka Lagula Jiro Burcad badeeda Soomaalida

0

Taliyaha Ciidamada Mareykanka u qaabilsan qaaradda Africa ayaa sheegay in ay la dagaalami doonaan burcad badeeda Soomaalida intii lagu guda jiray booqashada madaxa Pentagon-ka.

Taliyaha ciidamada dalka mareykanka General Thomas Waldhauser oo kula kulmay xoghayaha difaaca dalkaasi Jim Mattis gudaha dalka Djibouti ayaa lagu go’aamiyay in mareykanka howlgalo military uu ka fuliyo xeebaha badaha Soomaaliya iyo Yeman.

Hadalka Waldhauser ayaa ku soobeegmaya xilli ay kor u kacday weerarada burcad badeeda Soomaliya iyadoo tan iyo sanadii 2000 biyaha caalamiga caqabad ku ahaa.

“Muhiimada howlgalkan ma ahan mid aynu sii wadan karno sii socoshada dhibaatadasi waxaan diyaar u nahay in aynu wax ka qabano” ayuu yiri Waldhauser.

Waxaana dhanka kale uu ka hadlay qaar kamid ah maraakiibta la afduubtay iyo kuwa ay badbaadiyeen maraakiibta dagaal dalalka Shiinaha iyo hindiya.

Waxaa sidoo kale kulankaasi lagu sheegay in arintan laga dhaxlay abaaraha iyo baahida ku dhuftay geeska qaarada Africa oo Soomaaliya ay ugu horeyso.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here