Akhriso:-Siyaasadda Soomaaliya Weli Uma Daadegin Heer ay Shacabka Saameyn Ku Yeeshaan

0

Dadwaynuhu qayb kama aha doorashadda dadka xukumaya ama la xisaabtan kooda toona . Shacabku Alshaab ma keenin, AMISOM ma dalban, siyaasiyiinta sooma dooran, beesha caalamka ma wakiilan, deriska dalka sooma gelin, masuul kama aha ficillada maamuladda. Wax loo raacan karo ama ay go’amin karaan haatan ma jirto. Bil caksi ficilka siyaasiga ayaa iyaga saameeya si taban ama togan, sababtoo ah weli waxaa lagu jiraa siyaasad dadban oo ay taladu kooxaha siyaasiyiinta gacanta ku haystaan. (Political elite, النخبة السياسية )

Haddaba hadii ay siyaasadii weli gacanta ugu jirto siyaasiyiin qaabab kala duwan ku abaabulan, qaar labadda Gole ee Baarlamaanka ku jira, qaar kale maamulo madax ka yihiin, kuwo kale ay hogaamiyaan kooxo siyaasadeed, halka qaar kale qaab qabiil ganacsi ku laran yahay ku abaabulan yihiin, waxaa lagu qasban yahay in waaqacaas -inkasta uu adag yahay- lala macaamilo. Sababtoo ah sidaas ayuu xaalku yahay xukunka lagu yimidaa. Waxaa intaa dheer dawlado deris ah iyo kuwo kale oo dano leh, iskuna daaban yihiin duulalkaa siyaasadeed.

Ma sahlana in la kulmiyo maanka iyo maslaxadda kooxahaas siyaasiyiinta ah, hadana waa lagama maarmaan in la wajaho diyaarna loo ahaado eed, dhaliil iyo amaan intaba, hadii aan iyaga dhinac la isku marinna, waxay ka shaqaynayaan in ay dhinac iska kaa mariyaan. Ka sokow in ay danleey yihiin siyaasiyiintani waxay rabaan in ay wax raadeeyaan masiirka siyaasadeed ee dalka sida hawlaha;

1 – Dib u heshiisinta, 2- Qabyo tirka Dastuurka si loo kala cadeeyo awoodaha maamul goboleedyada iyo dawlada dhexe, loo qaybiyo khayraadka iyo dakhliga dalka, looguna heshiiyo nidaamka siyaasadeed ee aan qaadanayano, 3- Dhismaha Ciidan Qaran iyo dejinta istaraatiijiyada AMISOM dalka looga saarayo, 4- Taaba gelinta hanaanka siyaasadee ee nidaamka Xisbiyada ku dhisan, si doorasho qof iyo cod ah loo gaaro 4.5 na looga guuro 5- Dejinta istiraatiijiyada cad iyo siyaasad lagula falgelayo dawladaha dalkeena ku hardamaya.

Waana taa tan keentay in siyaasadeenu noqoto mid dhib, xanuun iyo xiiso iswata meh, shido iyo kaxarnna badan, waxaa lagu maarayn karaanna yagleelida awood siyaasadeed oo laga haybeysto, xirfad u dhiganta Shacratul Mucaawiye oo xariga marna la adkeeyo marna la dabciyo, dulqaad, sooryeyn siyaasadeed oo ay Soomalidu u taqaano (Spese politiche Isbeeso Politiko), abaabul, aftahanimo, waaya aragnimo, indho furnaan badan, tol iyo team talo run ah ku siiya, taageero daacadnimo lehna kula garab taagan

Hadii aan intaas la heli karin, waxa ugu yar oo la iska rabaa waa in aysan haybadda dawladeed lumin.

FG: ma ah in aan sidaas jeclahay ama aan amaanayo, laakiin nasiib daro waa sida xaalkeena siyaasadeed u yaalo, lana rabo in laga gudbo oo siyaasad dadwaynuhu saamayn ku leeyihiin, madaxda soo doortaan, masiirka dalka iyaga ka arrimiyaan la gaaro, intii ka horaysa dadwaynuhu siyaasiyiinta ayey isku fiirsanayaan, xaalkooduna waa ninkii reerka u soo hara.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here