Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo la hadlay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay ka gaabiyeen ka hadalka dhibaada Xoogan ee lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee Gobalka Gedo oo mudo Dhowr sano ah ay duqeymo ku garaacayaan Diyaaradaha Dowlada Maraynkan iyo Kenya haba ugu badnaatee Kenya.
Xildhibaanka ayaa Sheegay Dowlada Soomaaliya ay isha ka daawanayso Dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee soomaali Nacabka ay u leynayaa Dowladaha Shisheeyaha ugu baaqay in Dowlada Soomaaliya in wax ka qabato Gumaad lagu hayo Shacabka Gobalka Gedo.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa Sheegay Golaha Baraalamaanka ,Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaada in ay yihiin kuwa ak-marsan Howlhii loo idmaday ee ahaa Difaacada Sharafta iyo Karaamada Umada Soomaaliyeed.

