Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo u waramay idaacada Simba ayaa Sheegay Sheegay in aysan aqbali doonin in Markale Dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha oo hakad igu jirta Wada hadalada aan Rajada Badneen ee lagu wado in Magaalada Muqdisho ay ku dhexmaraan Maaamulka Galmudug iyo kan Gobalada Dhexe ee Ahalusuna.
Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle aya Sheegay Guddiga Doorashada Madaxweynaha ay gudan Doonaan Waajibaad loo xisaaray ee ahaa inay soo doortaan Hogaamiye Bulshada Gobaladaasi matala islamarkaan ka saari kara dhibaatooyin ka ka jira Deegaanada Gobalada Dhexe ee Soomaaliya.
Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in 30-Bishaan inay dhacdo doorashada madaxweynaha Galmudug ka horna xal laga gaaro Khilaaf Galmudug iyo Ahalusun inkastoo wada-hadaldu umuuqdaan ku lagu guul daraystay in Waqtigood ay ku furmaan.

