Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay In Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Midowga Afrika ee AMISOM howlgal ay saameeyeen ay ku dileen nin dil u geystay askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee ka socday dalka Jabuuti ee Gobolkaas ku sugan.
Dilkaan loo geytstay askariga ka tirsanaa Ciidamada Nabad Ilaalinta Jabuuti ee Ku Sugan Gobolka hiiraan ayaa Arbacadii ka dhacay magaalada Buulo Barde ee Gobolkaas, waxaana la isla dhexmarayay in qofkaas geystay uu u baxsaday dhanka Al-shabaab.
Howlgalka Lagu Dilay ninkii dilka u geystay askari ka tirsanaa ciidamada nabad ilaalinta ee ka socday dalka Jabuuti ee Gobolkaas ku sugan, ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Jameeco Shiin oo bari ka xigta magaalada Buulo Barde.
Taliye Cabdullaahi Barre Taliyaha Booliska Degmada Buulo-barde ee Gobolka mudug ayaa sheegay in magaalada Buula Barde ay soo gaar-siiyeen meydka gacan ku dhiig-laha iyo qori uu ka qaatay markii uu dilay askariga u dhashay Jabuuti, wuxuuna magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdi Maxamuud.

