Saldhiga dhexe ee magaaladda hargaysa ayaa qarka u saaran in xanuun ka dhex dilaacay Saldhiga ka dib markii uu fatahay ama buuxsamay suuli ku dhex yaala gudaha saldhigaasi.
Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) Taliayaha Saldhiga Dhexe ee Magaalada hargeysa ee Caasimada Maamulka Somali-land oo warbaahinta kula hadlay magaladaas ayaa sheegay in Saldhiga uu qar u saaran yahay in xanuun ka dhex dilaaco ka dib markii uu fatahay.
Sidoo kale Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Magaalada Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug ayaa tilmaamay in aysan haatan jirin wax maamul ah oo u yimid islamarkaana kala hadlay sidii loogu hortagi lahaa cuduro ka dilaaca Gudaha Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa.

