Qaar kamid ah Xildhibanada Baarlamaanka Soomaliya ayaa ku tilmaamay go’aan lagu fududaaday arinta Todobaadkii aynu soo dhaafnay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (farmaajo) ku iclaamiyay Dagaal lala galo Xarakada Al-shabaab.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaliya uu ku fududaaday go’aanka iclaaminta dagaalka lala galayo Xarakada Al-shabaab, islamarkaana loo baahnaa in la qiro xogahaas oo kale, madaama codowga uu yahay mid mar walba weerar ku ah Dowladda Soomaliya waa sida uu hadalka u dhigee.
Dhanka kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Baarlamaanka Soomaliya islamarkaana horey usoo noqday Gudoomiyaha Guddiga Amniga Baarlamankii 9-aad ee Soomaliya ayaa sheegay in haatan amniga Magaalada Muqdisho uu yahay mid aad u xun islamarkaana dowladda Soomaliya loogu baahan yahay in ay Jawaab Culus ka bixiyo weerarada iyo Dilalka ay geystaan Xarakada Al-shabaab oo tan iyo markii Madaxweynaha Iclaamiyay dagaalka dhankooda sii kordhiyay dagaalka.
Madaxweynaha Soomaliya ayaa Khamiisti aynu soo dhaafnay ku dhawaaqay dagaal lala galo Xarakada Al-shabaab, waxa uuna Farmaajo muddo 60-cisho ah fursad u siiyay dhalinyaradda ka tirsan Xarakada Al-shabaab in ay kasoo baxaan.

