Islow“Culimadda Waa in ay Wacyi Galiyaan Dhalinyaradda La Qalday ee Ka Tirsan Al-shabaab”,

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lama huraan tahay ka shaqeynta amniga Caasimada Soomaliya ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliyeed iyo Culumada Soomaaliyeedna laga doonayo in wacyi galin balaaran siiyaan dhalinyarada laqalday ee ka Tirsan Xarakada Al-shabaab, ciidankana diyaar u yahay ka shaqeynta amniga isla markaana la xisaabtan dhab ah uu jiri doono.

“Culimadda Soomaliyeed, Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliyeed iyo Shacabka Soomaliyeed waxaa loogu baahan yahay in ay ka shaqeeyaan amniga magaalada muqdisho, doorka Culimadda Soomaliyeed waa in uu noqdaan wacyi galinta dhalinyaradda la qaldan ee ka tirsan Xarakada Al-shabaab”, ayuu yiri Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow(Ducaale).

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya Xili Magaalada Muqdisho ay martigalisay todobadkaan gudihiisa qaraxyo, iyo dilal qorshaysan ay fuliyeen dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab, ma jirto Jawaab ay Dowladda Soomaliya ka bixisay arintaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here